Cismaan Caato oo ay Galabta Qabteen Ciidamada Maxaakiimaya oo Hadna Lasiidaayey
Written by Ali Moallim
Friday, 30 May 2008
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo galabta gacanta u galay Xildhibaan Cusmaan Caato oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Federaaka KMG ah ee Soomaaliya xili uu mararayay inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq Bari weyne ayaa caawa lasiidaayey.
Xildhibaan Cusmaan Caato oo markii la siidaayay Idaacadaha lokalka ayaa sheegay in xaaladiisa ay wanaagsantahay, islamarkaana uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo qaabkii loola dhaqmey mudadii uu gacanta ugu jiray Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.
Galabta ayaa Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka waxa ay qabteen Xildhibaan Cusmaan Caato xili uu marayey wadada isku xirta Moqdisho iyo Baydhabo.
Waa markii ugu horeysay oo Mas’uul ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu gacanta u galo Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda tan iyo markii Dowladda ay soo caga dhigatay gudaha Dalka Soomsaliya